aad u weyn
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aad u weyn
adj., [expression] very large ~ fat
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aafo
(Aafa-da)
Dhibaato aad u weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aleelaale
(Aleelaala-ha)
Jaadadka dibqallooca mid ka mid ah, oo aad u weynaada, oo xubnaha dabada iyo oogada qaarkeed midabyo ku yeesha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baatir
(Baatir-ta)
Qaalin geel ah oo aad u weynaatey oo aan curan; Abeer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bacran
Dillaac aan aad u weyneyn leh; dillaacsan; qarrar leh; dhanbalan; qawraran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buuran
1. Aan caato iyo weyd ahayn; shilis; cayillan; naaxay; xowsan.
2. Aan yarayn, aan dhuubnayn; aad u weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhadhaab
(Dhadhaab-ta)
Dhagax kankoonsan oo aad u weyn una adag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geelmaanyo
(Geelmaanya-da)
Nafley aad u weyn oo badda ku nool: waxay u eg tahay neberiga, sidiisoo kalena waxay leedahay caano; waxay cuntaa saaruqda; habarey-maanyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Godob
1. (Godob-ka) Balli aad u weyn oo wareegsan oo in badan biyo ku jiraan: togagga xilliyada roobka biyaha keena baa doojiya.
2. (Godob-ta) Aano; sagan; dakano; asaaye; gashi; utun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haadka'adag
(Haadka'adag-ta)
Gorgor aad u weyn oo xoog badan; wuxuu lee yahay madax guduudan iyo bidaar iyo addimo iyana gudguduudan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meriid
(Meriid-ka)
1. Geed aad u weynaada oo sunta meriidka laga liso.
2. Sun, fallaaraha iyo warmaha iyo lagu dhoobo oo wax lagu laayo; sun; waabaayo; (ama mariid, maliid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mirimmiri
(Mirimmiri-da)
Geed-abaareed aad u weynaada oo badanaa waddooyinka magaalooyinka lagu qurxiyo; geed-hindi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaad
(Qaad-ka)
1. Wax wax lagu shubo ama la saaro, inta ay kol qaadaan; qaatin; rar; mug.
2. Geed la beero oo kolkol aad u weynaada oo caleemihiisa la ganacsado oo la calashado; wuxuu kamid yahay dhirta maanka doorisa, sida xashiishka iyo afyuunka, (ama jaad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaarxabaal
(Qaarxabaal-ka)
Geed sida qaraha u faalala oo korna ku yeesha miro waaweyn oo kuwa bocorta le'le'eg hoosna buruq aad iyo aad u weyn oo la qoto oo geela iyo xoolaha kaleba loo jarjaro oo laga waraabsho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qiil
(Qiil-ka)
Wax la cuskado oo sharci ah oo aan aad u weyneyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurac
(Qurac-a)
Geed aad u weynaada oo badanaa dallad furan qaabkeed yeesha; aqab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saad
1. (Saad-da) a) Hadallo lagu sii mala'awaalo ama lagaga sheekeeyo, waxyaalo dhiciddood la jecel yahay, oo weliba la moodayo - soo qaadidda la soo qaaday darteed - in waxa dhiciddoodii suuraggal noqon karayso oo laga yaabo inay run ahaan u dhacaan; saraad. b) Waxyaalo dhici doona, astaamo lagu garto dhicitaankooda, oo ka soo hormara.
2. (Saad-ka) a) Geed aad u weynaada oo u laf adag oo qoryihiisa waxna lagu dhisto alaabo badanna laga samaysto; saaj. b) Sahay; jicsin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saraacimo
(Saraacima-da)
Libaax-badeed aad u weyn oo badaha kulul ku nool; wuxuu qalka kore ku lee yahay gafuur dheer oo xalleef ah oo ilko, kuwa miinshaarta u eki, labada dhinac kaga teedsan yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uurweynaad
(Uurweynaad-ka)
Cudur xun oo uurku aad iyo aad u weynaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wiyil
(Wiyi-sha)
Nafley aad u weyn oo u xoog badan oo gees ama labo gees wejiga ku leh; waxay leedahay indho yaryar araggeeduna ma fiicna, dhegaheeda iyo sankuse aad bay wax u maqli og yihiin oo u garan og yihiin; Waxaa ku gaashaaman harag wax kasta ka qiro weyn oo ka adag; waa daaqdaa oo hilibka ma cunto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiis
(Xiis-ka)
1. Xiisad.
2. Geed-abaareed aad u weynaada oo xabag udgoon (guubali) leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baabuur weyn
n. phr. truck, large transport vehicle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adduunweyne
m.l Adduunka oo dhan. la-mid: adduun.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
adduunweyne
m.l Adduunka oo dhan. la-mid: adduun. adduunyo m.dh la-mid: adduun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Badweyn
(Badweyn-ta)
1. Bad weyn oo xeebta ka fog.
2. Badda qaybaheeda waaweyn oo shanta ah, mid ka mid ah (Badweynta Atlaantik, Badweynta Deggan, Dadweynta Hindi, Badweyn-Barafta Woqooyi iyo Badweyn-Barafta Koofure).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badweyn
badweyn¹: m.dh 1. Biyo badeed badan, dhul aad u ballaaran ku fadhiya oo adduunka u kala qeybiya qaarado, sida Atlaantigga, Hindiya iyo wixi lamida. 2. Meel badda dhexdeeda ah oo xeebta ka fog.
badweyn²: m.dh (-nno, m.dh) (juqraafi) Gogol biyo cusbo leh ah oo ku wareegsan dhul weyneyaasha dunida. Biyahaas iyaga ah waxaa loo qaybiyaa dhawr qaybood oo waaweyn, dhammaantood waxay dabboolaan 71% ee dusha dunida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
badweyn
badweyn¹: m.dh 1. Biyo badeed badan, dhul aad u ballaaran ku fadhiya oo adduunka u kala qeybiya qaarado, sida Atlaantigga, Hindiya iyo wixi lamida. 2. Meel badda dhexdeeda ah oo xeebta ka fog.
badweyn²: m.dh (-nno, m.dh) (juqraafi) Gogol biyo cusbo leh ah oo ku wareegsan dhul weyneyaasha dunida. Biyahaas iyaga ah waxaa loo qaybiyaa dhawr qaybood oo waaweyn, dhammaantood waxay dabboolaan 71% ee dusha dunida.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Badweyn
Ocean
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
badweyn
f. n., [compound] ocean
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
badweyn
-ta: (n) ocean (oow shin); sea (sii); high seas bad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badweyn
-ta: (magac, lab, keli) bad ballac iyo baaxad ba leh; qaybaha waaweyn ee ay baduhu ukala baxaan.
badweyn -ta: (magac, dhedig, keli) badda inteeda baaxadda leh ama weyn ee xeebta ka fog. Warsame waa badmaaxoo, badweyntuu dabbaal ku tagaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
badweyn
de: ocean
lx: badweyn
pd: (-ta)
ps: n1-f-cmp
key: badweyn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aalaweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) nirgaha geela ee labojir u yaryahay. Aaloweynta nirgood iyo, ubadkii laga soocay, kama soo irirawne, oodda ma uga rognay. Dh: qaan, eeloweyn, ilweyn.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
God weyn
Cavern
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) xiddig keli ah oo la moodo in ay ceeryaan saaran tahay. Wuxuu jiraa labo bilood oo habeenkiina ay dhalalo kugu dhacdo dharaartiina ceeryaan kugu dul joogo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ugu weyn
adj., [expression] biggest, greatest
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BADHI-WEYN
(Badi-wein) N Digitaria diagonalis (Nees)Stapf. Gramineae.
N Digitaria rivae (Chiov.) Stapf. Gramineae.
N Tetrapogon villosus Desf. Gramineae.
N Chloris roxburghiana Schult. Gramineae.
N Heteropogon contortus (L) Roem. & Schult. Gramineae.
N Enteropogon barbatus C.E. Hubb. Gramineae.
C Coelachyrum poaeflorum Chiov. Gramineae.
N Adenium obesum (Forsk) Roem. & Schult. Apocynaceae.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Codan weyn
Geosyncline
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baabuur_weyn
de: truck, large transport vehicle
lx: baabuur weyn
ps: np
key: baabuur_weyn
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Magaalo weyn
Metropolis
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xarafka weyn
n. phr. capital letter
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abashuqleyn
m.f.dh eeg abashuqlee. la-mid: aburshuqlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abashuqleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg abashuqlayn.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
FADHI-WEEYN
(Fadiwein) N Limoium axillare (Forsk)0. Kuntze. Plumbaginaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labadulleyn
m.f.dh eeg labadullee. la-mid: labadulleys.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MAADH-WEEYN
(Madwein) S,Og Aristida adscensions L. Gramineae.
N Aristida caerulescens Desf. Gramineae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maaquurreyn
m.f.dh eeg maaquurree. la-mid: maaquurreys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxyoweyn
-ta: (magacwadareed) dabaqad sare iyo dadka hormuudka ah. Maanta beerta waxa hadhimo loogu kariyay madawyoweyntii magaalada. Dh: madax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naakhuudeyn
m.f.dh eeg naakhuudee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naakhuudeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) si cid kale loo qiyaameeyo, wax aanad ahayn iska yeelyeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saabbuuneyn
m.f.dh eeg saabbuunee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Xamar Weyne
pr. n., loc. original part of the city of Mogadishu
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aan la fileyn
(adj) unexpected (anekispektidh)